Noble Quran » soomaali » Sorah Al-Qalam ( The Pen )
Choose the reader
soomaali
Sorah Al-Qalam ( The Pen ) - Verses Number 52
ن ۚ وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ ( 1 )  
 
Eebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa'igtu qorayso (Camalka dadka).
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ ( 7 )  
 
Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan.
مَّنَّاعٍ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ ( 12 )  
 
Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah.
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ آيَاتُنَا قَالَ أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ ( 15 )  
 
Marka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii.
إِنَّا بَلَوْنَاهُمْ كَمَا بَلَوْنَا أَصْحَابَ الْجَنَّةِ إِذْ أَقْسَمُوا لَيَصْرِمُنَّهَا مُصْبِحِينَ ( 17 )  
 
Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan.
فَطَافَ عَلَيْهَا طَائِفٌ مِّن رَّبِّكَ وَهُمْ نَائِمُونَ ( 19 )  
 
Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda.
أَن لَّا يَدْخُلَنَّهَا الْيَوْمَ عَلَيْكُم مِّسْكِينٌ ( 24 )  
 
inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin.
فَلَمَّا رَأَوْهَا قَالُوا إِنَّا لَضَالُّونَ ( 26 )  
 
Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay.
قَالَ أَوْسَطُهُمْ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ لَوْلَا تُسَبِّحُونَ ( 28 )  
 
Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya.
قَالُوا سُبْحَانَ رَبِّنَا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ ( 29 )  
 
Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay.
فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَلَاوَمُونَ ( 30 )  
 
Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali.
قَالُوا يَا وَيْلَنَا إِنَّا كُنَّا طَاغِينَ ( 31 )  
 
Waxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay.
عَسَىٰ رَبُّنَا أَن يُبْدِلَنَا خَيْرًا مِّنْهَا إِنَّا إِلَىٰ رَبِّنَا رَاغِبُونَ ( 32 )  
 
Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh.
كَذَٰلِكَ الْعَذَابُ ۖ وَلَعَذَابُ الْآخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ ( 33 )  
 
Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin.
إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّاتِ النَّعِيمِ ( 34 )  
 
Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada».
أَفَنَجْعَلُ الْمُسْلِمِينَ كَالْمُجْرِمِينَ ( 35 )  
 
Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha.
أَمْ لَكُمْ كِتَابٌ فِيهِ تَدْرُسُونَ ( 37 )  
 
Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan.
أَمْ لَكُمْ أَيْمَانٌ عَلَيْنَا بَالِغَةٌ إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ ۙ إِنَّ لَكُمْ لَمَا تَحْكُمُونَ ( 39 )  
 
Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan.
أَمْ لَهُمْ شُرَكَاءُ فَلْيَأْتُوا بِشُرَكَائِهِمْ إِن كَانُوا صَادِقِينَ ( 41 )  
 
mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi.
يَوْمَ يُكْشَفُ عَن سَاقٍ وَيُدْعَوْنَ إِلَى السُّجُودِ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ ( 42 )  
 
Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud.
خَاشِعَةً أَبْصَارُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۖ وَقَدْ كَانُوا يُدْعَوْنَ إِلَى السُّجُودِ وَهُمْ سَالِمُونَ ( 43 )  
 
Indhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba.
فَذَرْنِي وَمَن يُكَذِّبُ بِهَٰذَا الْحَدِيثِ ۖ سَنَسْتَدْرِجُهُم مِّنْ حَيْثُ لَا يَعْلَمُونَ ( 44 )  
 
Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn.
وَأُمْلِي لَهُمْ ۚ إِنَّ كَيْدِي مَتِينٌ ( 45 )  
 
Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay.
أَمْ تَسْأَلُهُمْ أَجْرًا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍ مُّثْقَلُونَ ( 46 )  
 
Nabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey.
أَمْ عِندَهُمُ الْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ ( 47 )  
 
Mise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori.
فَاصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ الْحُوتِ إِذْ نَادَىٰ وَهُوَ مَكْظُومٌ ( 48 )  
 
Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan.
لَّوْلَا أَن تَدَارَكَهُ نِعْمَةٌ مِّن رَّبِّهِ لَنُبِذَ بِالْعَرَاءِ وَهُوَ مَذْمُومٌ ( 49 )  
 
Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay.
فَاجْتَبَاهُ رَبُّهُ فَجَعَلَهُ مِنَ الصَّالِحِينَ ( 50 )  
 
Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan.
Random Books
- SOONKA, TARAA WIIXDA IYO SAKADA-Formation : Cabdulcasiis Xasan Yacquub Source : http://www.islamhouse.com/p/339624 
- Qaamuus soomaali carabi oo koobanQaamuuska soomaali carabi oo kooban waxaan u qoray Soomaalida jecel iney bartaan afka Qur’aanka kariimka.Source : http://www.islamhouse.com/p/61650 
- QURAANIKA KARIIMKA Iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga-From issues : Wadajirka Adeegaha Labada Xaram Ee Sharafka Badan Boqor Fahad Ee Daabacaadda Jaamaca Sharafta Badan Source : http://www.islamhouse.com/p/453 
- XISNUL MUSLIM DHUFEYSKA MUSLINKAFortress of the Muslim, Invocations from the Quran and Sunnah: is a very beautiful booklet consists of many authentic Dua's (supplications) for a Muslim to supplicate on a daily basis and on special occasions.Source : http://www.islamhouse.com/p/380108 
- QURAANIKA KARIIMKA Iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga-From issues : Wadajirka Adeegaha Labada Xaram Ee Sharafka Badan Boqor Fahad Ee Daabacaadda Jaamaca Sharafta Badan Source : http://www.islamhouse.com/p/453 














